Al-Shabaab oo nin Shacab ah ku dishay Jamaame

0
403

Kooxda Al-Shabaab ayaa dil ku fulisay nin ay ku eedeeyeen in uu aflagaadeeyey Nebi Muxammed (NNKH).

Wararka ayaa sheegayo in Al-Shabaab ay meel fagaare ah ku toogteen nin kamid ahaa dadka deegaanka, degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose oo kooxdu sheegtay in uu qirtay in uu nebiga wax ka sheegay.

Goob-joogayaal ayaa sheegay, in dadweyne fara badan ay daawanayeen markii toogashadu dhaceysay.

Waa toogashadii ugu horreysay oo nooceeda ah oo ay Al-Shabaab fuliso al-shabaab ayaa horay waxay dilal ugu fulisay dad ay ku eedeysay in ay ahaayeen basaasiin.