Al-shabaab oo sheegtay Masuuliyada Weerarkii Garoowe

0
231

Afhayeenka Al-shabaab u hadlay  Shabaabka oo lagu magacaabo Sheikh C/casiis Abuu Muscab oo la haday Al-jaziira ayaa sheegay in ay Mas’uul ka yihiin Weerarkii ka dhacay Magaalada Garoowe islamarkaana lagu qaaday Shaqaale ka tirsan QM.
C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in ay dileen ilaa 12 Qof oo isku jira Saraakiil iyo Ilaalo ka shaqeyneysay Xarunta QM ee Magaalada Garoowe.
Weerarka lagu qaaday Shaqaalaha QM ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ugu yaran 10 Ruux oo u badan Shaqaalaha UN-ka.
Maamulka Puntland ayaa wali wada Tiro Koobka dadka ku dhintay iyo Faah-faahinta Khasaaraha rasmigaa ee Qaraxa uu sababay.