Ambassador Nicholas Kay Oo Maanta Gaaray Magaalada Cadaado

0
266

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa dib uga soo laabtay degmada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud, halkaasi oo ay ka soconayaan shirar gooni gooni ah.

Mr’Kay ayaa halkaasi kulamo kula soo yeeshay mas’uuliyiinta maamulka Ahlu-sunna Waljameeca, Gal-mudug iyo Ximan iyo Xeeb, waxaana la sheegay in arinta Dhuusamareeb weli la’isku fahmi la yahay.

Maanta ayaa la filayay in shirka maamul usameynta Gobolada Dhexe uu ka furmo Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka ximin iyo xeeb hase ahaatee illaa iyo iminka ma jirto kulan furmay, waxaana taasi ay keentay in Nicholas Kay uu dib uga soo laabto degmada Cadaado.