AMISOM Oo Saraakiil ka Tirsan Booliiska Soomaaliya Tababbar Ugu Soo Xirtay Muqdisho

0
245

Saraakiisha AMISOM ayaa tababar socday toddobaad u soo gab-gabeysay 20-sakaal oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya iyo ku xigeennadooda, kuwaasoo la baray xuquuqda aadanaha, hoggaanka iyo habka maamul-wanaagga.

Intii tababarku socday waxay saraakiishan qaateen casharro la xiriira sharciyada xuquuqda aadanaha ah ee caalamka, baaristaanka dambiyada la xiriira galmada, habka maamulka xabsiyada, badbaada dadka iyo sidii ay ula xiriiri lahaayeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Tababarkan oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa tababarayaan ka ahaa qaar ka mid ah ciidamada booliiska AMISOM, iyadoo ay maal-gelisay waaxda taageerada ammaanka ee Britain.

Saraakiisha booliiska Somalia ee tababarkan qaatay ayaa waxay sheegeen in xirfadihii ay ka kororsadeen tababarkan ay ku dabaqi doonaan howlaha ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulka xabsiyada iyo sidoo kale baaritaannada dambiyada lagu soo eedeeyo shaqsiyaadka bulshada ka tirsan.

Jen. Garaad Nuur Cabdulle oo ahaa madaxa tababarka booliiska Soomaaliya oo ka hadlay tababarka ay saraakiishan qaateen ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka barteen tababarkan inay ku dabaqi doonaan howlaha ay bulshada u hayaan.

Saraakiishii tababarka loosoo gaba-gabeeyay ayaa la siiyay shahaadooyin ka tarjumaya tababarrada ay qaateen; iyadoo Jen. Garaad Nuur Cabdulle uu ka sheegay xiritaanka tababarka in tababarkan uu muhiimad weyn u leeyahay booliiska Soomaaliya.

Dhanka kale, Andre Grobbelaar oo ka socday waaxda amniga Britain oo isna ka hadlay xafladdii xiritaanka tababarkan ayaa sheegay in tababarkan uu ka mid yahay kuwa saldhigga u ah howlaha booliiska Somalia.

Saraakiisha booliiska AMISOM ayaa sheegay in tababarrada noocan oo kale ah ay ka fulin doonaan gobollada kale ee Somalia; iyagoo xusay in tani ay qayb ka tahay howlaha ay u joogaan Soomaaliya.

Boolis. 1jpgBoolis. 2jpg Boolis. 3jpg Boolis. 6jpg Boolis. 4jpg