{AQRISO}Liiska Magacyada Murashaxiinta ugu Caansan Maamulka Gobolada Dhexe

0
267

Tan iyo markii July 30-keedii 2014-tii la saxiixay heshiiska maamul u sameynta gobolada dhexe waxaa isa soo tarayey Murashaxiinta doonaya in ay noqdaan Madaxweynaha Maamulkaas.

Hadabada Radio Hiiraanweyn  Waxaa ay diiwaan galisay Liiska, Magacyada iyo Taariiqda ay murashaxiintaas isa soo sharaxeen.

Liiskan hoose, Waa murashaxiin sheegay in ay hami ka qabaan jagada Madaxweynimada, waxaa dhici karta in ay jiraan dad ka maqan liiska oo aanan arkin Olole ay sameeyeen ama laga yaabo in aanay Saxaafadda la hadlin.

Waxaa jira Magacyo liiskan ku jira oo si weyn loo hadal hayo sida Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid.

Liiskan ayaa u kala horeeyay sida:

  1. November 27, 2014:Cabdisamad Nuur Guuleed: Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug ayaa noqday murashaxii ugu horeeyay ee Jagada maamulka gobolada dhexe isu soo taago.
  2. December 11, 2014:Amb. C/raxmaan Maxamed Nuur (Diinaari) ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho waxaa uu kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan Maamulka Gobolada Dhexe ee Mudug iyo Galgaduud, kaasoo dhowaan lagu wado in la doorto.
  3. December 19, 2014:Cabdi Cawaale Qeybdiid oo ah Madaxweynaha Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu murashax ka yahay Maamulka gobolada dhexe.
  4. December 20, 2014: Axmed Macalin Fiqi oo horay u soo noqday Taliyaha nabad sugidda ayaa Xaflad balaaran oo ka dhacday magaalada Muqdisho ku sheegay musharaxnimadiisa madaxweynenimo ee gobolada dhexe,  Axmed Macalin Fiqi oo ahaan jirey agaasimihii hey’adda nabad sugidda qaranka waxaa uu sheegay in kalsooni uu ku qabo dadka gobolka isla markaana uu noqon doono Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe.
  5. December 22, 2014:Cali Cabdulle Axmed Tooyo: xaflad balaaran oo lagu qabtay magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa musharnimadiisa soo bandhigey musharax cusub oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Axmed Tooyo.
  6. December 23, 2014:Abdiwali Jama Warsame ayaa isa soo taagay tartanka madaxtinimada Gobolada dhexe.
  7. December 31, 2014: Wasiirka Amniga ee maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Daahir Muxumad oo  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan qabashada  xilka madaxtinimada ee maamulka loo yegleelayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.
  8. January 1, 2015: Col. Xasan Maxamed Qalaad, Madaxweynaha Maamulka Galmudug  oo caan ka dhex ah siyaasadda dalka Soomaaliya islamarkaana qeybo badan kaga soo jiray siyaasadda dalka Soomaaliya ayaa  waxaa uu shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynenimada gobollada dhexe.
  9. January 1, 2015:Musharax Bashiir Aadan Cali Danan ayaa ka mid noqday Musharixiinta Gobolada Dhexe.
  10. April 12, 2015:Marwo Dahabo Cabdi Maxamed (Dahabo Cuud ayaa isku soo sharaxday xilka Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo noqotay Haweeneydii u horeysay oo musharax ah

.Musharax Dahabo Cuud ayaa munaasabad ka dhacday Muqdisho kaga dhawaaqday inay tahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Gobolada Dhexe, waxaana soo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo haweenka.

Dhinaca kale, Waxaa jirto labo Murashax oo inta badan dadka ay hadal hayaan balse aan wali ku dhawaaqin hankooda iyo in ay u tartamayaan jagaas, Labadaas waa Cabdikarim Maxamed Guuleed oo horay usoo noqday Wasiirkii amniga iyo Axmed Cabdisalaam.