Ardaydii & Maamulkii Jaaamacda Garisa oo laga saaray dhismaha Iyo Ciidamada Kenya Oo Lawaregay {DAAWO SAWIRADA}

0
497

Ardaydii wax-ka-baranayay Jaamacadda Gaarisa iyo maamulkii jaamacadda ayaa dhamaantood laga saaray maanta dhismaha jaamacadda, kaddib markii weerar ay Al-shabaab shalay ku qaadday jaamacaddaas, kaasoo socday muddo 16-saacadood ah, laguna dilay 147-qof oo u badan arday.

Qaar ka mid ah ardaydii weerarka ka badbaaday oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay kusoo laaban doonin jaamacadda mar dambe, halka ay kuwo kale sheegeen inay ka badelenayaan.

“Ma awoodi karo inaan dib ugu soo laabto jaamacadda. Waa meel khatar ah oo aanay ku badbaadayn nafteyda. Mana sameyn karo inaan mar kale geliyo nafteyda khatar sidan oo kale ah,” ayuu yiri Pallete Okombo oo jaamacadda dhiganayay sannadkii labaad.

Okombo ayaa intaas ku dary. “Saaxiibbaday qaarkood waa la dilay. Anigu waan wacay mana iga qaban taleefoonka. Waxayna ahaayeen kuwo aad u wanaagsan oo aan jeclahay.”

Ardayda ayaa waxaa maanta dhismaha Jaamacadda Gaarisa ka qaaday 10-bas oo waaweyn, iyadoo la sheegay in dib loogu celinayo qoysaskoodii oo qaarkood deggen magaalada Busia ee galbeedka dalka Kenya.

Toban ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda iyo kuwa gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya ayaa kulan ay yeesheen shalay waxay ku heshiiyeen in la hakiyo waxbarasahada Jaamacadda illaa amar dambe iyo inta ay barista wadaan hay’adaha amniga Kenya.

Kenya University Attack Kenya University Attack Kenya University Attack APTOPIX Kenya University Attack Kenya University Attack Kenya University Attack WERARKII JAMACADA GAARISA (8) Kenya University Attack WERARKII JAMACADA GAARISA (10) WERARKII JAMACADA GAARISA (11) WERARKII JAMACADA GAARISA (12) Kenya University Attack Kenya University Attack