Axmed Madoobe”Ciidamo Ilaaliya Xadka Kenya aan la wadaagno ayaan Sameyneynaa

0
473

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta Shirji’aaid ku qabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarissa oo ay ku dhinteen ilaa 147 Qof.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uu sameenayo Ciidamo gaar ah oo ilaaliya Xadka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya si looga hortago in Al-shabaab ay Weeraro ka geystaan Gudaha Kenya.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Dowladda Kenya ugu baaqay in ay Sameeyso Baro Cayiman oo laga galo Kenya islamarkaana ay Xirto Xaduuda iska furan sida uu sheegay.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya Xili Shalay Al-shabaab ay Weerar ay ku dileen 147 Qof kadib Weerarkii ka dhacay jaamacada Magaalada Gaarissa.