Baarlamaanka Somaliland Oo Ansixiyay Xil Ka Qaadistii Guddoomiyaha Maxkamada Sare.

0
293

Fadhigan saaka oo uu shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha guurtida Somaliland Siciid Jaamac Cali ayaa waxa fadhiyay 128 xildhibaan , waxaa ogolaaday xilka qaadista gudoomiyaha maxkamada sare 80 xildhibaan,halka ay diideen 32 xildhibaan , waxana ka aamusay 15 xildhibaan gudoomiyuhuna muucodayn.

Sidaasna waxaa ku hirgalay xilka qaadista gudoomiyaha maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.