Baarlamaanka Soomaaliya Oo Lacag Ugu Deeqay Dib U Soo Celinta Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen

0
290

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay
maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku go’aamiyeen lacag uu
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu deeqay dib u soo celinta qaxootiga
Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen.

Kulankan oo ahaa shirka 55aad ee Guddiga Joogtada ah waxaa shir
guddoominayey ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayadoo
gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad uu
goobjoog ahaa waxaana shirka kasoo qeybgalay gudoomiyeyaasha guddiyada
Joogtada ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Inkastoo ajandayaasha Guddiga Joogtada kulankooda horyaalay ay aad u
badnaayeen hadana waxaa ajandaha ugu horeeyey laga dhigay islamarkaana
waqti badan la geliyey xaalada ay ku sugan yihiin qaxootiga Soomaaliyeed
ee ku nool dalka Yemen iyo sidii dib loogu soo celin lahaa Dalkooda ayadoo
warbixin arintaasi la xiriirtana laga dhageystay Gudoomiyaha guddiga
Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Mudane C/qaadir Cosoble Cali oo isagu
kulanka keenay warbixin guddigooda uu arintan kasoo diyaariyey.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Mahad Cabdalla Cawad oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la
hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in Guddiga Joogtada ah go’aamiyeen in
Baarlamaanka ku deeqo lacag gaareysa 300,000$ (Seddex Boqol kun oo
Doollar) dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen
ayadoo lacagtanna laga jaray gunnada ama Mushaarka ay qaataan
Xildhibaannada Baarlamaanka iyo howlwadeennada Golaha Shacabka.

Dhinaca kale Gudoomiye Mahad Cabdalla Cawad ayaa tilmaamay in
Baarlamaanku la tashiyo kala sameynayo xaalada dib u dejinta qaxootiga
Soomaaliyeed ee dalka Yemen Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo
maamul goboleedyada dalka ka jira maadaama qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen
ku nool lagu qiyaasay 750,000 ruux waxaana uu sidoo kale baaq u dirya
hay’adaha kale ee Dowladda,maamul goboleedyada iyo qurba joogta
Soomaaliyeed oo uu ku booriyey iney ka qeyb qaataan sidii walaalahooda
Soomaaliyeed loosoo celin lahaa islamarkaana dib u dejin loogu sameyn
lahaa.

Fulinta arintan waxaa loo xilsaaray oo dabagal ku sameynaya guddiyada
Arrimaha dibadda, arrimaha gudaha,xuquuqul insaanka iyo arrimaha bulshada
ee Baarlamaanka,sidoo kalena kulankii guddiga Joogtada waxaa looga hadlay
ajandayaasha ugu soo horeeya ee Kalfadhiga 6aad oo furmi doona todobaadka
soo socda ayadoo si gaar ah looga hadlay ansixinta Shuruucda Hortebinta u
leh Golaha Shacabka sida dib u eegista Dastuurka,Federaaleynta Dalka,
Dimuqraadiyeynta dalka, Axsaabta siyaasadeed iyo Doorashooyinka.

—-DHAMMAAD—