Banaanbax Layaab Leh Oo Manta Ka Dhacay Magalada Beledweeyne…

0
368

Dibadbax ay ka Qayb-qaadanayeen dad u badnaa haween iyo caruur oo maanta ka bilaawday magaalada Beledweyne ayaa saameyn muuqata ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga guud ahaan magaalada beledweeyne ee xaruunta g/balka hiiraan,

Bannaan baxayaasha oo socod dheer kusoo maray qeybo ka mid ah magaalada ayaa xiray dhamaan goobihii ganacsiga, iyagoo ku dhawaaqay erayo ay uga soo horjeedaan maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sida ay sheegeen fara galin ku haya deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

Goobaha ganacsiga magaalada ayaa albaabada loo laabay sacaddo faro badan wuxuuna dibadbaxu soo gaaray ilaa maqribnimadii caawa Ganacsatada magaalada ayaa is hortaag ku sameysay isku day ay ku doonayeen dibadbaxayasha in ay tayaaro iyo walxa kale ku shidaan wadada muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gadiidka taas oo anuu suura galin dibad baxayaasha,

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka oo ku aaddan isku soo bixii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan kaas oo sababay in uu sacaddo badan xirnaddo isku socoodika dadka iyo gadiidka guud ahaan magalada beledweeyne,

Wariye Cali Cismaan kaskey

Radio Hiiraanweyn Baladweyne