Boqorka Sacuudiga oo magacaabay dhaxal sugaha cusub ee leh Boqortooyada

0
214

Boqorka Sacuudiga Carabiya ayaa is bedel ku sameeyay qaabka is dhaxalka ee Boqortooyada, iyadoo xilka ka qaaday ninka dhaxalka lahaa.

Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa walaakiisa Amiir Muqrin Bin Cabdulcasiis ka qaaday xilka dhaxal sugaha ah.

Xilka dhaxal sugaha ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Bin Nayef bin Cabdulcasiis oo uu Adeer u yahay Boqorka.

Sidoo kale boqorka ayaa waxaa uu kuxigeenka dhaxal sugaha u magacaabay wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid wax badan ka duwan qaabka boqortooyada, iyadoo horay boqoradii ka horeeyay ay isu dhaxli jireen sida ay isugu kala xig xigaan walaalaha.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa loo magacaabay nin aan ka tirsaneyn qoyska Boqortooyada oo lagu magacaabo Caadil Al-Jubeyr, waxaana xilkaas iska casilay Sacuud Al-Feysal.

Boqor Salmaan ayaa markii uu la wareegay xilka boqortooyo bishii Janaayo waxaa uu is bedel ku sameynayay maamulkii uu dhisay walaalkiis Cabdalla Bin Cabdulcasiis oo geeriyooday bishii Janaayo ee sanadkan.