Cesc Fabregas Oo Doonayo Inuu Soo Gaba Gabeeyo Rajada Arsenal Ka Qabto Horyaalka Ingiriiska

0
257

Cesc Fabregas ayaa axada nagu soo fool leh garoonka Emirates kasoo muuqan doono asigoo xiran maaliyada Chelsea markii ugu horeesay wuxuuna niyada ku hayaa inuusan soo dhaweyn wanaagsan taageerayaasha Arsenal ka heli doonin.

Sidaa darteed xidigan ayaa doonayo inuu gabi ahaanba soo gaba gabeeyo rajada Arsenal ka qabto Premiership-ka England madaama Chelsea ay haatan 10-dhibcood Gunners-ka kaga heyso hogaanka EPL.

“Waan inaan bandhig wanaagsan sameynaa kulankan waayo Emirates waa meel dhib badan balse hadafkeena wuxuu yahay inaan guuleesano cayaartana dhibka badan”

“Haatan dhanka kulamada waan ka simanahay Arsenal sidoo kalena 10-dhibcood ayaan ka sareynaa sidaa darteed ma siin doono fursad ay cadaadis nagu saraan waxaana soo gaba gabeen doonaa rajada ay ka qabaan EPL”

Kulankan xiisaha badan ayaa kusoo beegmi doono xili ay Arsenal xaalad wanaagsan ku jirto waxayna Gunners-ka guuleesatay 9-kulan ee ugu dambeeyay.

Hadaba Fabregas iyo kooxdiisa Chelsea axada nagu soo fool leh waa hubaal in dagaalkii ugu cuslaa ay xili cayaareedkan gali doonaan.

Fabregas (2)