Ciidamada maamulka Somaliland oo Xiray odayal iyo Siyaasiin .

0
433

Ciidamada Maamulka Soomaaliland ayaa Xabsiga dhigay Odayaal iyo Siyaasiin kamid ah Dadka ku nool Magaalada Boorama ee Maamulka Soomaaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka Soomaaliland ay Xireen ilaa Dhowr Oday iyo Tiro Siyaasiin ah.

Waxaa kamid ah Odayaasha iyo Siyaasiinta  Xabsiga la dhigay Caaqil Daahir Cilmi, Caaqil C/kariin Badbaax,Caaqil Muuse Ceellaabe iyo Maxamed Muuse oo kamid ah Siyaasiinta Magaalada Boorama.

Ujeedka Xariga Odayaashaan ayaan la ogeyn wax uu Salka ku hayo,iyadoo Maamulka Soomaaliland uusan wali ka hadlin.

Ciidamada Soomaaliland ayaa Magaalada Boorama horay ugu Xir xiray Odayaal,Siyaasiin iyo Mas’uuliyiin Dowladeed.