Ciidamada Puntland Oo Howlgalka Ka Sameyay Magaalada Gaalkacyo

0
249

Ciidamada amaanka ee Maamulka Puntland ayaa howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug waxana lagu soo qab qabtay Dad laga shakiyay.

Ciidamadaan ayaa howlgalkaan ka sameyay xaafadaha waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana sidoo kale ay baarayeen gaadiidka dadweynaha ee halkaasi ku sugan.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay ganacsatada yar yar ee hareeraha wadooyinka magaaladaasi wax ku iibiya, waxaana la tilmaamay in dadka ay xireen uga shakiyeen Al-shabaab inkastoo tiradooda aan la sheegin.

Saraakiisha ammaanka Puntland ee magaalada Gaalkacyo weli wax faah faahin ah kama aysan bixin howlgalkaan, hase ahaatee tani ayaa imanaysa xilli madaxda Puntland ay amar ku bixiyeen in wax badan laga qabto amniga deegaanada maamulkaasi.