Culumaa’udiinka Ahlu’suna Waljameeca Oo Soo Dhaweyay Shirka Maamul Usameynte Gobolada Dhexe

0
265

Gudoomiyaha golaha fulinta ee maamulka Ahlu-sunna Waljameeca Macalin Alif oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in shirkaasi uu yahay mid muhiim u ah shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Gal-gaduud, islamarkaana horay ay iyagu u  ogolaadeen.

Sidoo kale Gudoomiyaha golaha fulinta maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada dhexe waxa uu ugu baaqay shacabka Mudug iyo Galgaduud in ay taageeraan shirkaan iyo wixii kasoo baxa intaba.

Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa ka soconaya shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin, waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobaladaasi.