{DAAWO MUQAALKA} Duqeymaha An Lo Meldayin oo ay geysanayaan Ciidamada Kenya

0
405

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxa ay duqeeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa Kenya waxa ay ku garaacday deegaano la sheegay inay dad shacab ah ku sugan yihiin, inkastoo Kenya ay sheegayso inay duqeysay dhul ay ku sugan yihiin Shabaab.

Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya David Obonyo, ayaa ku faanay in duqeymahaasi ay waxyeelo buuran ka soo gaartay Ururka Al Shabaab, balse maanu kala cadayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.