{DAAWO SAWIRAAD} Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne ku xigeenka Kenya Ruto oo Nairobi ku kulmay

0
324

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta kula kulmay magaalada Nairobi Madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya William Ruto, iyadoo kulanka labada mas’uul uu ahaa mid albaabada u xirnaa.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya C/salaan Cumar Hadliye iyo Amb, Aamino Maxamed, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya iyo Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne kuxigeenka Kenya ayaa ka hadlay arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha qaxootiga Kenya, sidii xayiraada looga qaadi lahaa xawaaladaha Soomaalida.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo kulanka kadib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in la isku afgartay dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay, waxaana uu xusay in dhowaan la dhaqan gelin doono dhamaan wixii labada dhinac ku heshiiyeen.

“Go’aanada kulankan ka soo baxay waxaa ka mid ah in dib loo eego mudada 90 maalmood ee dowladda Kenya u qabatay in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada.

Madaxweyne Kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa dhowaan ku dhawaaqay in albaabada la isugu dhifto xeryaha qaxootiga, isla markaana qaxootiga Soomaalida muddo saddex bilood lagu celiyo, iyadoo arrintan walaac ay ka muujiyeen Hey’adda UNHCR iyo Hey’ado kale.

Kenya ayaa la daala dhaceysa weerarada ka imaanaya Al-Shabaab, waxaana horaantii bishan ay aheyd markii dabley ka tirsan Shabaab ay weerareen Xarunta Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay ilaa 150 ruux oo u badnaa Arday.

IMG_9018 IMG_9016 IMG_9015 IMG_8938 IMG_8922 IMG_8918