{DAAWO SAWIRAAD} Xoghayaha Kowaad Safaarada Somalia Ee Dalka India Mudane Ahmed Maxamud (Ahmed Xiish)Oo Boqasho Kutagay Magalada hyderabad India

0
647

Ayaa Safarkan Uu Kusoo Gaaray Magaalda ay Somalida ugu badan ay ka Dagantahay Dalka India Ee Hyderabad waxaa uu ugu kuurgalyay Xaaldaha Jaaliyada Somaliyed Dalkan ku Dhaqan oo ay ugu Horeyaan Ardayda Halkan wax ka Barata .

Kulamo kala Duduwan oo uu Bulshada Somaliyed ee ku Dhaqan Magaalda Hyderabad uu la yeeshay Masuulkan ka socday Safaarada Somalia ayaa waxaa ay Bulshada kusoo Gudbiyeen Cabashooyin kala duwan oo ka haysta arimo badan islamarkaana inta badan ku salaysan Sharciyada iyo waliba sidoo kale sidii loo sameen lahaa xiriir xoogan oo Dhaxmara Safaarada Somalia ee ku Taala Magaalada Caasimada Dalkan India ee Dalhi iyo Bulshda Magaalada Hyderabad ee Koonfurta Dalka India ku Dhaqan.

Inta uu ku sugnaa Xoghaye Ahmed xiish Magaalda Hyderabad ayaa waxaa u suuro gashay Asagoo kaashanaya Ururka Ardayda iyo Jaaliyada Somaliyed Hyderabad ee surad in uu Booqdo qaar ka mid Ah jaamcadaha ay wax ka bartaan Ardayda Somaliyed ee Magaaldan ku sugan .                                   Waxaana sidoo kale Xoghayaha uu Booqasho uu ku Tagay Isbitaalada Magaalda Hyderabad oo ay Somali badan lagu Dabiibayo.

Mar uu Xogahaya Koobad ee Safaarada Somalia uu la Hadlayay Warbaahinta Hiranweyn.com ayaa Sheegay in waxyaabo badan uu Bulshadan la Qaban doono Taasina ay tahay Waxyabaha uu halkan u Yimi Waxaana uu carabaabay in Safaarada Somalia ay ka Go’antahay wax la Qabashada Ardayda iyo Jaaliyada Somaliyed ee Hyderabad ku dhaqan asagoo la kaashanaya Ururka Surad oo ay Dhisteen Bulsho waynta Somaliyed ee halkan ku Dhaqan.

Inkastoo Saafarada Somalia ee Dalka India ay waxyaabo Badan Qabato ayaa hadana waxaa Xoga Magaalda ka jiray xiriir yaraan Bulshada iyo Safaarada Balse waxaa la Rajaynayaa in Safarkaan Xoghaya Kobaad uu ku yimi Magaalda Hyderabad in waxBbadan ay ka Badali Doonto

kulan india ka dhacay (1) kulan india ka dhacay (2)  kulan india ka dhacay (4) kulan india ka dhacay (5)  kulan india ka dhacay (7)  kulan india ka dhacay (9) kulan india ka dhacay (10) kulan india ka dhacay (11) kulan india ka dhacay (12) kulan india ka dhacay (13)

DSC_0234 DSC_0236a DSC_0239

Maxamed Cabdi Caynte

Radio Hiiraanweyn Hyderabad India