{DAAWO SAWIRADA} Beelo maanta heshis ku dhex maray Magaalada Jowhar Ee xaruunta G/sh/dhexe

0
372
Boqolaal ruux ayaa ka soo qeyb galay heshiis maanta dhex maray beelo horay ugu dagaalamay bariga Degmada Jowhar iyadoo sidoo kale ay goob joog  ka ahaayeen Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe Maamulka Degmada Jowhar & marti Sharaf kale.
Odayaasha Labada dhinac ayaa ka hadlay kulanka waxaa ayna shegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin heshiiska maanta ay gareen belaahaani.
Suldaan cabdi Rashiid oo ah Suldaanka Belaha Lixda Shiidlo ayaa ku dhawaaqay in heshiiska la wada qaatay isagooo dhinaca kalena Inkaaray in cidii jebisa.
Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa u mahadceliyay labada dhinac wuxuuna sheegay in wadahadalada labada dhinac ay soo socdeen mudo 5 bilood ah iminkana heshiis buuxa lawada gaaray , wuxuuna u mahadceliyay Odayaasha labnada dhinac & guud ahaan intii ka qeyb qaadatay heshiiska .
Beelahaani ayaa waxaa ay horay ugu dagaalameen bariga degmada Jowhar waxaana dhowr jeer fashil ku yimid heshiis la dhex dhigay balse heshiiskaani ayaa ah mid labada dhinac ka go,aan.
       DSC_0212 DSC_0179 DSC_0163 DSC_0146 DSC_0130 DSC_0115 DSC_0094 JOWHAR