{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada Jabuuti Oo Biyo Xirreno Ka Dhisay Magalada Baledweyne Ee G,hiiraan

0
583

Ciidamada AMISOM ee kasocdo Wadanka Jabuuti ayaa Sameyay Biyo xireeno logu talagalay in wax loga qabto fatahaada u ka sameyo wabiga shabelle magalada baledweyne ee gobolka hiiraan

Maamulka Dagmada Baledweyne ayaa So Kormeeray goobaha aya dhiseen ciidamada jabuuti oo logu talagalay in lagu xakameey fatahaada Wabiga oo mid isdabajoog ka aha baledweyne

Duqa Beledweyne Cumar Aadan Deeqow faahfaahin ka ka bixiyay biyo xireenka loo sameynayo qaybaha uu wabiga u dhex-maro Baladweyne fatahaadaha Uu ka sameeyo, iyadoo durbaba qeyb ka mid ah biyo-xireenka la dhisay.

Mr Baadiyoow Ayaa Yiri, Mashaariicdaan Waxaa Iska kaashanaa Maamulka Dagmada Baledweyne iyo Ciidamada Jabuuti Ee Hiil Walaal waxaana uu intaa raaciyay in loogu-tagalay ama ujeedada laga leeyahay tahay oo kaliya in looga hortago fatahaada wabiga uu ku sameeyo xaafaddaha magaalada, kaa oo sababa barakaca kumanaan qoysas ah.

Cumar Baadiyoow ayaa u mahad-celiyay dowladda Jabuuti oo sida uu sheegay in marka laga soo tago howlaha nabad ilaalinta siddoo kale qeyb-weyn ka qaadata arrimaha sama-falka iyo dib-u-dhiska goobaha danta guud.

Waxaa kaloo uu sheegay in la guda-gallay xiligii roobka sidda daraadeed ka maamul ahaan ku howlan yihiin sidda ay wax badan uga qaban lahaayeen arrimaha la xiriira fatahaada uu inta badan sameeyo wabiga Shabeelle.

Dadka ku dhaqan xaafaddaha baladweyne ee laga sameeyay mashuurcan biyo xireenka ah ayaa siweyn u soo dhaweeyay, iyagoo sheegay in tallaabadan ay wax weyn ka tari doonto yareynta wal-walkii ay ka qabaa in uu wabigu ku soo fataho xaafaddaha ay ku nool yihiin.

 

Tan iyo Markii ay Ciidamada Jabuuti ay sogaareen magalada Baledweyne ee Gobolka hiiraan Waxaa ay ka qeyb qaateen howlo badan oo ay ugu horeyso dhisada xerada ciidamada gaaska 5 aad ee Lamagalaay taas Oo Ku bur burtay Dagaaladii sokeeyo

??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ??????????????????????????????? ???????????????????????????????

Wariye Cali Cismaan kaskey

Radio Hiiraanweyn Magalada Baledweyne