{DAAWO SAWIRADA} Danjire Nickolas Kay oo la kulmay siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe

0
235

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Siyaasiyiin, aqoonyahano, haweenka iyo qeybaha bulshada ee Beelaha Abgaal, iyagoo ka wada hadlay arrimaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee la filayo in dhowaan la guda galo.

Kulankan oo ay hormuud ka ahaayeen Ra’iisul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa laga wada hadlay arrimaha maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan iyo in Gobolka Banaadir uu noqdo Maamul Goboleed.

Arrimaha hoosta laga xariiqay iyo aragtiyada la isku weydaarsaday ayaa waxaa ka mid ahaa sidii loo dar dar gelin lahaa howlaha maamul u sameynta, isla markaana loo dhameystiri lahaa maamulada haray, waxaana la isla gartay in dhamaan dadka deegaanka looga qeyb geliyo, awood awood qeybsi ku saleysan caddaalad iyo dib u heshiisiin waarta.

Mr Nicholas Kay ayaa u sheegay  xubnahan uu la kulmay in fikir ahaan uu qabo in la is raacsiiyo Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Balse go aan kaas ay leeyihiin dadka reer hiiraan  lona bahan yahay in iyaga wax laga weydiiyo arimaha ku saabsan hiiraan kay ayaa sidoo kale ka hadlay  Gobolka Banaadir waxana u shegay in banaadir u leyahay  maqaam gaar ah .

Mas’uuliyiinta la kulmay Nicholas Kay ayaa sheegay in bulshada deegaanka ay diyaar yihiin oo ay waqti badan ku bixinayaan dib u heshiisiinta iyo maamul u sameynta.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Gobolka Banaadir uu istaahilo inuu Maqaam gooni yeesho, iyadoo loo marayo in dadka deegaanka ay helaan xaquuqdooda aas aasiga ah.

Waxaa kaloo kulanka laga sheegay in Gobolka Banaadir uu yahay gobolka midnimada, isku xirka bulshada iyo xudunta Dowladnimada Soomaaliyeed.

Gabagabadii, waxaa la isla gartay in la dedejiyo maamul u sameynta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo Dowladda Federaalka ay door hoggaamineed ku yeelaneyso iyo in Guddiyo farsamo la diyaariyo oo ka howlgala sidii bulshada loo diyaarin lahaa.

kulanka kay iyo xubnaha abgaal (1) kulanka kay iyo xubnaha abgaal (2) kulanka kay iyo xubnaha abgaal (3) kulanka kay iyo xubnaha abgaal (4) kulanka kay iyo xubnaha abgaal (5)