{DAAWO SAWIRADA} Dhismaha Cusub ee Garoonka Aadan Cadde oo Maanta la Hawlgeliyay

0
905

Waxaa maanta si rasmi ah loo howlgeliyay dhismaha cusub ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay dib u dhis ku sameysay shirkad laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC.

Dhismaha Terminallada garoonka ayaa waxaa bishii Feberaayo ee sannadkan xariga ka jaray qaybtiisii ugu horreysay madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxmauud iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Somalia aan helin wax dayactir ah ayaa dib u dhiskan wuxuu noqonaya mrkii ugu horreeyay ee lagu sameeyo.

Shirkadda FAVORI LLC ayaa sheegtay in qaybaha garoonka ee ay dhistay ay yihiin kuwo casri ah oo la jaan-qaadi kara garoomada kale ee caalamiga ah, waxaana ay mas’uuliyiinta shirkaddu sheegeen in taallabadani ay sare u qaadayso istcimaalka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta shirkaddu waxay sheegeen in garoonka uu tusaale u noqon doono garoomada kale ee Afrika ku yaalla, iyadoo haatan ay garoonka ku soo dagaan diyaarado caalami ah oo ay ka mid tahay Turkish Airlines.

Ugu dambeyn, qaybaha garoonka diyaaradaha ee maanta la howlgeliyay ayay si caadi ah u isticmaalayeen dadweynihii maanta ka baxayay garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwii kasoo dagayay.

 

 

GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (1) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (2) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (3) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (4) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (5) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (6) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (7) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (8) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (9) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (10) GAROONKA CUSUB EE MUQDISHO (11)