DAAWO SAWIRADA;-Magaalada B/weyne Oo Laga Cabsi Qabo Iney ka Dhacdo Fatahaad

0
347

Kadib roobab mahiigaan ah oo Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay magaalada B/weyne ee Xarunta G/Hiiraan iyo edegaano hosyimaada ayaa Bulshada ku dhaqan B/weyne waxa ay walaac ka muujiyen fatahaad uu sameyo wabiga shabeele.

Wabiga shabelo oo mara Degmada b/weyne ayaa wado biyo saa’id waxana dadka ku dhaqan Magaalada ay cabsi ka qabaan inuu ku fataho wabiga taa oo hadii ay dhacdo sababi karo barakaca boqolaal dan yar’ah

Qaar kamid ah shacabka ku dhaqan B/weyne oo la hadlay warbaahinta hiranweyn ayaa shegay iney ka wal’walsan yihiin fatahaad uu sameyo wabiga hadii robab kale ay ka da’aan Magaalada iyo degaanada hosyimaada.

Cabdi wahaab abukar xasan oo ah Gudomiyaha golaha dhexe ee ururka dhalinyarada Gobolka hiiraan ayaa shegay in ay jiraan Qoysas ka barakacay robabkii ka da’ay Magaalada B/weyne,hadii uu fatahaad sameyana Wabiga uu dhacayo barakac intaa kabadan.

Sanad walbo marka sidaan oo kale ay robabka ugu da’aan Magaalada B.weyne iyo Degaanada ku dhaw waxa dhaca fatahaad uu sameyo wabiga shabele taa oo sababta Qasaaro isugu jira bur’bur hantiyadeed dhimasho iyo Barakaca Dad dan yar’ah,

Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (11) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (9) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (8) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (7) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (5) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (12) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (21) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (19) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (18) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (17) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (26) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (5) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (24) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (13) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (23) Cabsi laga Qabo wabiga shabeele (28)

Sawir Qaade Aadan c.Axmed