{DAAWO SAWIRADA} Qorshaha Maamul Usameynta Gobolada Hiiran Iyo Shabelaha Sarre Oo b,weyne Ka socdo

0
392

Iyadoo wali ay kusii qul-qulayaan magaalada Beledweyne wafuud kala gadisan oo lagu waddo in ay ka qeyb-galaan shirweyne halkaas ka furmaya, ayaa waxaa maanta gaaray magaalada wafdi ballaaran oo uu horkacayo siyaasiga Cilmi Faarax Wabi.

Wafdiga oo isugu jiray siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo waxgarad ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka gobolka iyo siyaasiyiintii horay ugu sii sugnaa magaalada.

Cilmi Faarax Wabi oo hadal kooban jeediyay ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan imaashaha Beledweyne oo uu mudo dheer ka maqnaa, isagoo xusay in ujeedada socdaalkiisa isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo tahay ka qeyb-galka shirweynaha isugu jiray dib-u-hishiisiinta iyo waddatashiga ka furmaya Beledweyne.

Magaalada Beledweyne waxaa ka soconaya qaban-qaabo ballaaran oo loogu jiro qab-soomida shirweyne ay ka wadda qeyb-gali doonaan bulshada kala duwan ee ku wadda dhaqan gobolka, kaa oo la filayo in wajigiisa koowaad ay ku wadda-hadllaan beellahaku wadda dhaqan gobolka, laguna dhameeyo wixii khilaafaad ah ee jira, marka danbana loo gudbo wadda-tashi la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka.

wafuuda Maamul Usameynta Hiiraanweyn (5) wafuuda Maamul Usameynta Hiiraanweyn (1) wafuuda Maamul Usameynta Hiiraanweyn (2) wafuuda Maamul Usameynta Hiiraanweyn (3) wafuuda Maamul Usameynta Hiiraanweyn (4) wafuuda Maamul Usameynta Hiiraanweyn (5)