{DAAWO SAWIRADA} Shir Wadatashi ah oo Maanta Dowladda Somalia iyo Puntland uga Furmay Garoowe

0
310

Waxaa saaka xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ka furmay shir wada-tashi ah oo u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka Somalia, kaasoo socon doono labo maalmood.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya mas’uuliyiin isugu jira jirata xildhibaanno, wasiirro iyo saraakiil kala matalaya labada dhinac, furitaanka shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’rake iyo madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Wasiir ku-xigeenka dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland ayaa ka hdlay ujeeddada shirka wadatashiga ah ee u dhaxeeya Puntland iyo DF Soomaaliya wuxuuna sheegay in shirkan looga wadahadli doono arrimaha federaalka, heshiisyadii ay horay u galeen Puntland iyo dowladda dhexe ee Somali, barnaamijka Hiigsiga 2016-ka iyo dhismaha ciidamada Qaranka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa isna dhankiisa sheegay in shirka aanu ahayn mid isla-xisaabtan ah balse uu yahay mid wada-tashi oo laba dhinac ay iskula eegayaan qodobada shirkanna ay ujeedkiisu taas tahay. Isagoo xusay in loo baahan yahay maalin kaddib inay guul kasoo baxdo.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid oo si rasmi ah u furay shirka wada-tashiga ah ayaa labada guddi kula dardaarmay inay si qoto-dheer uga hadlaan qodobada shirka; si la iskula meel-dhigo arrimaha federaalka, barnaamijka Hiigsiga 2016-ka iyo qodobada kale ee laga hadli doono inta uu shirkan socdo.

Furitaanka shirkan ayaa imaanaya kaddib markii ra’iisul wasaare Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gareen shalay oo Jimco ahayd xarunta Puntland ee Garoowe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ??????????????????????? ???????????????????????

???????????????????????