{DAAWO SAWIRADA} Wafdi Ka Kooban Wasiiro Iyo Safiirada Wadamada Carabta Oo Soo Gaaray B.weyne

0
399

Wafdigan oo isugu jiray wasiiro katirsan xukuumada soomaaliya iyo safiirada wadamada carabta ee soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ee magaalada b/weyne waxa ku soo dhaweyay maamulka gobolka hiiraan kan demada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada.

Soo dhaweyn kadib wafdiga oo loo soo galbiyay Gudaha magaalada ayaa xarunta maamulka gobolka hiiraan kulan kula qaatay mas’uuliyiinta maamulka saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool b/weyne.

Ambaasator Dayib dubad rooble safiirka jabuuti ee soomaaliya oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay ujedka ay usoo gaaren b/weyne,waxana uu shegay inu ujed kodu ahaa sidii ay indha indhen ugu sameyn lahaayen Xaalada Gobolka.

Sidoo kale wakiilka Jaamacada Carbta ee soomaaliya Maxamed c/laahi idir oo qeyb ka ahaa Wafdiga ayaa shegay inuu ku farax sanyahy inuu yimaado Degmada b,weyne.

Duqa Degmada B/weyne Cumar Aadan Baadiyow oo xubin ka ahaa Mas’uuliyiintii soo dhaweyay wafdiga ayaa kaga mahad celiaya Safiirada iyo Wasiirada Boqashada ay ku soo Gaaren B/weyne.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya C/fitaax xasan afrax oo dhankiisa la hadlay warbaahinta ayaa si weyn usoo dhaweyay wafdiga waxana uu ugu baaqay Safiirada wadamada Carabta iney wax u qabtaan bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Wasaarada Dhalinn yarada iyo ciyaaraha ee xukuumada soomaaliya Maxamed C/laahi Xasan oo ugu dembeyn la hadlay bahda war fidiyenka ayaa booqashada wafdiga maanta ku tilmaamay mid taariikhi ah.

intaasi kadib wafdiga ayaa kormeray mashaaric ay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ka hirgaliyen Xerada Lamagalaay ee magaalada B/weyne.

wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (1) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (2) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (3) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (4) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (5) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (6) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (7) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (8) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (9) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (10) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (11) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (12) wafdiga maanta lagu soo dhaweyay beledweyne (13)

Sawir qaade Xusen Cabdi Jimcaale {Diini}