{DAAWO SAWIRADA} Wiil 15 jir ah iyo Haweeney shan cisho kadib laga soo saaray guryo ku bur buray dhul gariirkii Nepal

0
246

Kooxaha wax bad baadiyay ee ka qeyb qaadanaya samata bixinta dadkii ku waxyeeloobay dhul gariirkii khasaaraha badan dhaliyay ee Sabtidii la soo dhaafay ku dhiftay dalka Nepal ayaa waxay bur burka dhisma hoostiisa ay ka soo saareen ilaa labo ruux.

Shan maalmood kadib dhul gariirka ayaa wiil 15 jir ahaa laga soo saaray dhismo labo dabaq ahaa oo ku yaala Caasimada Kathmandu.

Waxaa uu ku badbaaday dhuun hawadu marto oo ku hoos jirtay burburka dhulgariirka, Dadka ayaa ku farxay markii dibadda la keenay ka hor intaan isbitaalka loo qaadin.

Sidoo kale kooxaha wax bad baadiya oo adeegsanayay qalab sahlaya garaaca wadnaha oo lagu ogaanayo hadii bur burka hoostiisa ay dad ku jiraan ayaa waxay goor dhoweyd soo saareen haweeney lagu magacaabo Krishna, taasoo ka shaqeyneysay Hostel ku yaala magaalada Kathmandu.

Horaantii todobaadkan markii uu dhul gariirku bilowday ayay aheyd markii wiil afar bilood jir ah laga saaray bur burka dhismo hoostiisa.

Waxaa kaloo la soo saaray meydadka ilaa saddex oo bur burka dhismayaasha hoostooda laga soo saarayay.

Afhayeen u hadlay dowladda Nepal ayaa sheegay in cimilada oo xun awgeed ay adkeysay in gar gaar la gaarsiiyo deegaanada uu dhul gariirku saameeyay.

Dadka saaran buuraha ee ku sugan banaanka magaalada Kathmandu ayaa waxaa gar gaarka lagu gaarsiinayay diyaarado helicoptero ah.

In ka badan 5.500 oo ruux ayaa ku dhintay dhul gariirka sabtidii ku dhiftay dalka Nepal, kaasoo gebi ahaanba baabi’iyay dhismayaal taariikhi ahaa oo loo dalxiis tagi jiray.

dhul gariir (1) dhul gariir (2) dhul gariir (3)