{DAAWO SAWIRADA}Meydadka Arday iyo Macalimiin ku dhintay weerarka oo weli lasoo daadgureynaayo

0
434

Sida uu kusoo waramaayo Weriye ku sugan Magaalada Gaarisa, waxaa weli walaac laga muujinayaa in Kooxda Alshabaab ay weeraro kale ku qaado Xarumaha Dowlada Kenya ee ku yaalla Magaalada iyo Caasimada.

Weriyaha ayaa sheegaya in weerarkii lagu qaaday dhismaha Jaamacada uu saameyn xoogan ku yeeshay xaalada Magaalada Gaarisa islamarkaana ay weli xiran yihiin goobaha Ganacsi iyo isu socodka Gaadiidka markii laga reebo gaadiidka Ciidamada iyo kuwa gurmadka ah.

Dhismaha Jaamacadda ayaa waxaa weli laga soo daadgureynayaa Meydadka Ardaydii dhiganaayay Jaamacada kuwaasi oo qaarkood weli lagu dhex arkaayo geedaha hoostooda iyo Musqulaha sida uu kusoo waramaayo Weriye halkaasi ku sugan.

Sidoo kale, waxaa jiro meydad galabta laga soo saaray kushiinada Jaamacadda iyo meelo kale halka kuwaasi inkabadana la maleynaayo inay weli ku dhexjiraan dhismaha Jaamacadda.

Dowlada Kenya ayaa gudaha Jaamacada ku daadisay shaqaale badan oo baadi goobaayo dadka ku dhex dhintay meelaha qaar kuwaasi oo badi iyagoo dhaawac ah cararay, kadibna ku dhiigbaxay meelo ka baxsan qololka iyo hoolka Jaamacadda.

Ugu yaraan 147 Ruux ayaa ku dhintay, 80 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray Weerar Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Jaamacadda Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Barri Dalka Kenya.

Afhayeenka Ururka Al Shabaab, Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali Dheere oo dhankiisa ka hadlay Weerarka ayaa sheegay in Muslimiinta laga sii daayay Jaamacadda isagoona sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay Dileen 147 Ruux uu ku tilmaamay in ay ahaayeen Karishtaan.

Sikastaba, Weerarkan uu dhiiga badan ku daatay ayaa ku soo aadaya Xili Dowladdaha Reer Galbeedka qaarkood ay degniino ka soo saareen amaanka Kenya kuwasi oo intooda badan Muwaadiniinta u sheegayay suura galnimada Weeraro Argagixiso oo ka dhaca Dalka Kenya.