Dab khasaare Hantiyadeed Geystey Oo ka kacay Garoowe

0
240

Dab geystay khasaare hantiyeed ayaa xalay ka kacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka  Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in dabku ka kacay makhaayad wax laga cuno, dabadeedna gaaray kaalin shidaal iyo goobo kale oo ganacsi oo daris la ahaa, kuwaas oo dhammaantoodba baaba’ay.

Khasaare aan cuslayn ayaa dabka ka gaaray dad isku hawlay inay damiyaan dabka.

Ciidanka la dagaallama dabka oo gurmad ku tagay goobta ayaa ku guulaystay inay damiyaan dabka.

Wali ma jiro tiro koob rasmi ah oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay dabka oo lasoo bandhigay, waxaase la filayaa inuu dabku sababay khasaare hantiyeed oo culus.