Dalka Bangaladhesh Hogaamiyihii Xisbiga Islaamiga Oo Ladal Dalay

0
154

Dowlada Bangaladhesh ayaa dil ku fulisay hogaamiyihii Xisbiga Islaamiga ah oo sanadkii 2013 dil lagu xukumay.

Muhammad Kamaruzzaman oo ahaa Guddoomiyaha sadexaad ee xisbiga Jamaacatul Islamiyah ee dalkaasi ayaa waxaa dil lagu xukumay bishii May ee sanadkii 2013, kadib markii lasoo hortaagay maxkamada Danbiyada dagaal ee wadankaasi Bangaladhesh.

Hogaamiyahan ayaa lagu eedeeyey inuu kamid ahaa Maleeshiyaad lagu magacaabi jiray Al Badro oo ka qeyb qaatay dagaalkii 1971 ee uu dalkaasi Xoriyada uga qaatay dalka Pakistaan.
Maleeshiyaadka Al Badro oo iyagu kasoo horjeeday gooni isu taaga Bangaladhees isla markaana la safnaa Pakistaan ayaa xasuuq iyo kufsi ka geystay gobolada dalkaasi.

Kamaruzzaman wuxuu beeniyey eedaynta lagu soo oogay wuxuuna racfaan ka qaatay xukunkaasi, balse todobaadki lasoo dhaafay ayey Maxkamada sare diiday inay dhageysato racfaankaasi.
iyadoona sii rasmi ah loogu fuliyey dil daldalaad ah siyaasigaas caanka ahaa.

Mucaaridka dalka Bangaladheesh ayaa sheegay in dowlada u adeegsaneyso Maxkamada ay u sameysay Danbiyada Dagaal arrimo siyaasadeed oo ku bartilmaamsaneyso siyaasiyiinta xisbiga Islaamiga ah ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here