DEG DEG:Qarax Xoog Leh Oo Ka Dhacay Magaalada Erbil Ee Dalka Ciraq

0
236

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay 14 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay afaafka hore ee qunsuliyada Maraykanka uu ku leeyahay caasimada gobolka Kurdistan ee Erbil dalka Ciraaq.

Ururka IS ayaa sheegtay in uu ka dambeeyay weerarkan loo adeegsaday gaariga waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay, sidoo kale ururka IS ayaa sheegtay in uu ka dambeeyay labo qarax oo ka dhacday magaalada Baqdaad.

Wasaarada arrimaha dibada Maraykanka oo xaqiijisay qaraxan ayaa sheegtay in dadka wax ku noqday aysan ku jirin muwaadiniin Maraykan ah.

Kurdistan ayaa qeyb muhiim ah waxa ay ka tahay isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka ee doonaya in ay burburiyaan ururka IS ee maamula deegaan ballaaran oo dalalka Siiriya iyo Ciraaq ah.

Qaraxa kadib ayaa israsaaseyn ka dhacday afaafka hore ee qunsuliyada Maraykanka ee Erbil iyadoo xaruntaas ay tahay mid si weyn loo ilaaliyo.Duqa magaalada Erbil Nihad Qoja ayaa sheegay in qunsuliyada uu ahaa bartilmaameedka.

Weerarada noocan oo kale ah ayaa ah kuwo aan ku badneyn Kurdistan oo ah gobol ka ammaan wanaagsan gobolada kale ee dalka Ciraaq.

Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhaca Erbil ayaa ahaa mid qof watay gaari waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay meel dibada ka ah xafiiska guddoomiyaha gobolka Kurdistan bishii November ee sanadkii hore waxana weerarkan oo ay sheegteen IS ku dhimatay shan ruux inta la.ogyahay,