DEG DEG:Xildhibaan Ka Tirsan BaarLamaanka Puntland Oo Maanta Lagu Dilay Muqdisho

0
222

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, xilli uu la socday gaari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaanka oo lagu magacaabayay Aadan Xaaji Xuseen uu maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan oo wadatay gaari ayaa rasaas ku furay Xildhibaanka ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland, agagaarka Xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Xildhibaankan la dilayay uu arrimo caafimaad u yimid magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa inuu la socday Xildhibaan kale oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.