{DHAGEYSO} Gudoomiye Siddi Oo Ka War Bixiyay Kolonyo Ay La Socdeen Ciidamada Amizoom Oo Maanta La Weeraray

0
238

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM ayaa maanta lagu weeraray agagaarka deegaanka Yaaqbariweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo khasaaraha ka dhashay weerarkan.

Dadka deegaanka ayaa ku soo waramaya inay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo xoogan, isla markaana dagaalka uu ahaa mid aad u cuslaa.

Gudoomiyaha g/balk sh/hoose c/duqadir nuur siddi ayaa ka war bixiyay sidda aay wax uu dhaceeyn iyo waliba qasaraha ka dhashay,

Sido kale gudoomiye siddi ayaa ka hadlay halka aay cidamada kaso anbabaxeeyn iyo waliba aay halka aay uu socdeeyn,

Ciidamo fara badan oo lugeynaya ayaa gaaray halka lagu weeraray kolonyada ciidamada AMISOM, waxaana wali jirin wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan weerarkan ay Al-Shabaab sheegatay in khasaare xoog leh ku gaarsiisay.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar ay ku qaaday Ciidamada Kenya, meel ku dhow degmada Dhoobley, waxaana ay tilmaamtay inay ku dishay askar Kenyan ah.