Dhimasho Iyo Dhawaac Badan Oo Ka Dhashay Weraarki Wasaaradda Hiddaha Iyo Tacliinta sare.

0
297

Ugu yaraan 15 qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo lagu qaaday maanta dhismaha wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Somalia.

Weerarkan oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay ayaa darbiga dhismaha wasaaradda lagu dhuftay, iyadoo sidoo kalena gudaha wasaaradda laga maqlay rasaas la is dhaafsanayay.

“Qarax weyn ayaa lagu weeraray wasaaradda, kaddibna waxaa gudaha laga maqlay rasaas culus oo la is dhaafsanayo,” ayuu sarkaal booliska Somalia ka tirsan u sheegay warbaahinta Soomaaliya.

Sidoo kale goobjoogayaal ayaa sheegay inay daqiiqado ka hor intii uusan dhicin qaraxa ay ka baxday dhismaha wasaaradda wasiiradda waxbarashada iyo taclinta sare ee Somalia oo halkaas shir kula lahayd shaqaalaha wasaaradda.

dad ka agdhawaa agagaarka wasaaaradda ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid xoog badan, iyagoo xusay in markii uu qaraxu dhacay laga maqlay meelo aad uu foog.
weraarkan ayaa laso afjaray waxana hadda goobta aay mashaqadda ka dhacday ku suugaan cidamadda amaanka ee dowlada soomaalia,