Dib U Dhiska Liverpool Oo Ka Bilaaban Doono Saxiixa Sedex Xidig Oo Kooxdan Wax Ka Badali Kara

0
346

 

Liverpool sanadkan 2015 soo laba kacleyn xoogan ayay sameesay balse halmar ayaa kooxdan la muujiyay dul duleeda ay qabto inaan la qarin karin.

Macalin Brendan Rodgers iyo kooxdiisa waxay labo dharbaaxo kala kulmeen Man United iyo Arsenal midaasna waxay sababtay in Reds ay haatan labo indhood ku fiirin karin booska 4-aad ee kala horeynta Premiership-ka England.

Hadaba Daily Mail ayaa sheegay in dib u dhiska Reds uu xagaagan ka bilaaban doono saxiixa sedex xidig oo kooxdan wax weyn ka badali karaan.

Geoffrey Kondogbia oo khadka dhexe kaga cayaaro xulka France iyo naadiga AS Monaco ayaa haatan safka hore kaga jiro xidigaha ay Liverpool dooneyso waxayna Reds dhigeeda Monaco ku wargalisay xiisaha ay laacibkan awooda badan u qabto.

Sidoo kale Liverpool waxay dooneysaa inay mushaar sare kusoo jiidato xidigaha qandaraaskooda xagaagan dhamaanayo Danny Ings oo Burnley weerarka kaga cayaaro iyo James Milner oo isagana Man City ka tirsan.

Sidaa darteed Liverpool ayaa dooneyso inay labadan xidig si dhaqsi ah heshiis ula gaarto ka hor inta aysan kooxaha kale ku qabsanin.

milner12feb15-557749