Dlamini-Zuma Oo Ka Jawaabtay Edeyn Losoo jediyay Ciidamada Amisom Ee ku Saabsan…..

0
316

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa Shaaca ka qaadday in eedeymaha galmo ee lagu eedeeyo inta badan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Somalia ay yihiin kuwo aan loo hayn caddeymo sax ah.

Dlamini-Zuma ayaa sheegtay in ciidamada lagu eedeeyay 21-jeer inay dalka Soomaaliya ka geysteen xadgudubyo galmo; kuwaasoo ay baahisay hay’adda Human Rights Watch ay laba eedeymood oo keliya ka yihiin kuwo runta u dhow.

Hay’adda HRW ayaa bishii September ee sannadkii hore sii daysay eedeymo la xiriira xad-gudbyo galmo oo ay ciidamada AMISOM kula kaceen haween Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwo da’doodu ka yar tahay 12-sano, kuwaas oo xarumaha ciidamada AMISOM ee Muqdisho u raadsaday cunno iyo dawo.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afirka ayaa sidoo kale sheegtay inay guddi u saartay baarista eedeymaha la sheegay, kuwaasoo muddo afar bilood ah ku jiray baaritaannada 21-ka eedeymo ee HRW ay baahisay.

Dlanini-Zuma waxay kaloo qoraalkeeda ku xustay in eedeymaha kale ee ay baahisay HRW ay kala hadleen inay caddeymo u keenaan, balse aysan illaa hadda wax caddeymo ah oo ay soo gudbiyeen aanay hayn.

Waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in xadugudbyada ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ka geystaan Somalia aysan ahayn kuwo sida loo sheegayo u baahsan.

Dhanka kale, Madaxa Midowga Afirka ayaa sheegtay inaysan mar dambe u dulqaadan doonin eedeymo noocan oo kale, iyadoo ugu baaqday hay’adda HRW inay baaritaanno dhab ah ku sameyso xogaha noocan oo kale ah ee ay baahinayso.

“Midowga Afrika iyo AMISOM waxaa ka go’an inay ilaaliyaan xuquuqda haweenka iyo gabdhaha, aysana ogolaanayn in ciidankoodu ay xadugudbyo galmo kula kacaan dumarka Soomaaliyeed,” ayay hadalkeeda ku dartay Dlamini-zuma.

Ciidamada AMISOM oo tiradoodu tahay 22,000-askari ayaa waxay gacan ka siiyaan dowladda Somalia dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo muddo badan isku dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda Somalia ee uu caalamku aqoonsan yahay.