Dowlada Australia oo safiirkeeda kala baxay Dalka Indonesia

0
224

Australia ayaa safiirkeeda kala baxday dalka Indonesia halkaasi oo lagu dilay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha.

Andrew Chan and Myuran Sukumaran iyo dad kaloo ajaaniib ah ayaa lagu toogtay dalka Indonesia.

Ra’iisul wasaaraha Australian Tony Abbott ayaa dilka ku qeexay naxariisdaro iyo wax aan loo baahneyn.

Sideed qof oo lagu helay inay galeen demba ah in daroogo kotorbaan ah ay ka shaqeynayeen ayaa lagu toogtay Indonesia, waxaana rasaas hal mar ku furay koox askar ah.

nid indo

Dilka waxa uu ka dhacay xabsi lagu magacaabo Besi prison, aroortii hore ee arbacada xilliga dalkaasi.

Si kastaba, qof sagaalaad oo dilka ku xukunnaa oo ah haweeney u dhalatay dalka Philippine ayaa la siiyay fursadii ugu dambeysay oo ah inay racfaan qaadato.