Dowlada Kenya Oo Waqti U Qabatay Qaramada Midoobay Inay Ugaga Rarto Xeryaha Qaxootiga Soomaalida,

0
292

Dowlada Kenya ayaa ugu baaqday Qaramada Midoobay inay muddo saddex bilood ah ugaga rarto xeryaha qaxootiga ee ay dadka Soomaaliyeed ku nool yihiin iyadoo ugaga jawaabaysa weerarkii dabley hubeysan ay ku galeen jaamacada Garissa.

Hore ayay dowlada Kenya waxa ay ugu eedeysay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab inay ku dhuuntaan dagaalyahanada Alshabaab, waxayna dooneysaa in loo raro xeryahaas gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Willian Ruto ayaa sheegay in ay weydiisteen Hay’ada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR in ay muddo saddex bilood ah ku rarto qaxootiga haddii ay ku rari weydana ay dowlada Kenya xoog ugaga rari doonto qaxootiga xerada Dhadhaab.

Hase yeeshee afhayeenka UNHCR ee dalka Kenya Emmanuel Nyabera ayaa sheegay inaysan ka helin dowlada Kenya codsi rasmi ah, sidaa darteedna uusan wax jawaab ah ka bixin karin.

Xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxa ay hoy u tahay qaxooti Soomaali ah oo gaaraya 600,000 sida laga soo xigtey madaxweyne ku xigeenka Kenya Ruto, xeradan ayaa waxa ay ku taal meel aan biyo lahayn oo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Hase yeeshee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu diiwaangashan qaxooti dhan 330,000 kuwaasoo ku nool guryo aan rasmi ahayn oo ka sameysan baco iyo wixii agab ah oo ay heli kareen qaxootigan.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa ka hadlay darbiga aay dooneyso in dowlada Kenya ka dhisto xadka ay la wadaagto Soomaaliya,

Dowlada Kenya ayaa tan iyo markii 2dii bishan weerarka ay ku qaadeen uruurka Alshabaab Jaamacada Garissa waxaa ay ku dhowaaqeysay go’aano adadag oo ay ku tilmaantay inay ku xoojinayso ammaankeeda.

Go’aanadaas ayaa waxaa ka mid ah xirida illaa iyo 13 xarumood oo ah shirkadaha xawaaladaha iyo fariisinta xisaabaadka dad ku nool dalka Kenya