Dowlada Mareykanka Oo Si Kulul ugu Hadashay Werarkii Shalay Lagu Qaaday Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare

0
270

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya James P. McAnulty ayaa cambaareeyay werarkii Shalay ay al.shabaab ku qaaday wasaarada waxabarashada isagoo shegay in Dowladda Mareykanka ay garab taagantahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed si looga hortago  Al-Shabab.

Ergeyga ayaa u mahad celinayaa cidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida ay usoo gabagabeeyeen werarkan, iyagoo qaarkood ay naftoodu ku waayen goobtaasi.

Werarkan lagu qaaday wasaaradda waxbarashada ayaa waxay cadeyneysaa in argagixisadda ay ka soo horjeedaan hormarinta taclinta dadka Soomaaliyed waxana uu intaa raaciyay in Werarakan uusan ka  wecin doono la dagaalanka ay kula jiraan al.shabaab.

Safiirka Mareykanka u Qaabilsan Soomaaliya Mr. James ayaa ugu dembeyn shegay in Dowladda Mareykanka ay gaarabtaagantahay umadda Soomaliyeed si looga tirtiro argagixisada dhamaan dalka Soomaaliya.