Dowladda Faransiiska oo ka digay cunsuriyadda

0
238

Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande, waxa uu ka digay cunsuriyadda joogtada ah, waxa uu booqday xaruntii kali ahayd ee Nazi-gu ay dadka ku haynjireen ee gudaha Faransiika.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay in ay astaan wayntahay sawirka Madaxwaynaha Faransiiska oo ay weheliyaan hogaamiyayaal kale oo reer Yurub ah oo taagan goobtii dadka lagu sumaynjiray.

Madaxwaynaha oo ay hortaaganyihiin dadkii ka badbaaday iyo qaraabadda dadkii ku dhintay, waxa uu ka digay Yuhuud nacaybka iyo midab takoorka sii socoda.

Waxa uu sheegay in markaste ay dhici karaan dhibaatooyin daran. Laakiin laga hortagikaro haddi la ogyahay.

Inta badan kontankii kun ee xeradaasi lagu hayay waxa ay ahaayeen dagaalyahano ka soo horjeeday mabaadiida Nazi-ga. Wakhtigii la soo xoraynayayna waxaa dhintay kudhawaad kalabadh maxaabiistii.

Dhanka kalana Galinkii hore ee axadda intii ay magaalada Paris ka socdeen xuska loo samaynayo dadkii laga masaafuriyay Faransiiska, Rai’sal wasaare Manuel Valls waxa uu sheegay in ay tahay in uu is badalo wajiga bahalnimada ah, waxa uuna ku baaqay in la sii wado halganka loogu jiro arrintaasi.

Faransiiska waxaa ku soo badanaya weerarada loo gaysto Muslimiinta iyo Yuhuuda, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii ay dadka badani ku dhinteen ee dhacay bishii kobaad ee sanadkan, arrintaas oo dhalisay dood ku saabsan sida ay ay usii kordhayso dareenka ay kala qabaan bulshooyinka halkaasi ku nool.