Dowladda Federaalka oo Muqdisho ka fureysa kulan lagu dejinayo siyaasadda dhallinyarada

0
298

Dowladda Federaalka ayaa shaacisay inay Muqdisho ka fureyso kulan lagu dejinayo siyaasadda dhallinyarada, waxaana kulankaasi lagu soo bandhigayaa qaababka cusub oo lagu wajahayo dhallinyarada inay ku bedelaan siyaasadooda ku wajahan isbedelka dalka ka socda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed C/llaahi Xasan “Nuux” oo la hadlayay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in kulanka uu yahay mid wada tashi ah iyo sidii dhallinyarada iskaashi uu u dhex mari lahaa.

Wuxuu sheegay Wasiirka dhallinyarada in shirkani ujeedada shirka ay tahay sidii loo dhameystiri lahaa siyaasadda dhalinyarada Qaranka iyo sidii loo sameyn lahaa qorshe lagu horumarinayo dhalinyarada oo uu sheegay in ajanadaha shirka maanta ka furmaya Muqdisho isbedel loogu sameyn lahaa.

Sidoo kale Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed C/llaahi Xasan Nuux ayaa sheegay in dhawaan la qaban doono shir aaya ka talinta dhalinyarada Soomaaliyeed isla markaana lagu dooran doono hogaan dhalinyardu ay yeeshaan si looga mira dhaliyo yoolkooda.