Dowladda Ruushka Oo Celisey Diyaarad Nooca Wax Basaasa Ah Oo Uu Maraykanku Leeyahay.

0
219

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa hawada u dhaxeysa labada dal dib uga celiyey diyaarad wax basaasta oo uu Maraykanka leeyahay.

Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Ruushka ayaa axaddi shalay shacisay inay diyaaradan wax basaasta ay dooneysay inay gudaha usoo gasho hawada dalka Ruushka.

Labo diyaaradood oo nooca dagaalka ah oo uu Ruushka leeyahay ayaa diyaaradan ku khasbay inay dib uga noqoto nawaaxiga xuduuda hawada Ruushka.

Major Jeneraal Igor Konasjenkov oo Ruushka u hadlay ayaa yiri “Diyaaradan waxay ahayd inayna soo dhafiin hawadda xaduuda Maraykanka”

Balse Maraykanka ayaa cambaareeyey falkan waxayna dowlada Maraykanka sheegtay in diyaaradan mareysay hawada caalamiga ah.

Diyaarada Maraykanku leeyahay ayaa ahayd nooca RC-135U, diyaaradan oo ah mida basaasta xarumaha militariga iyo waliba xogta Radarka difaaca hawada.