Ergooyinkii Dooran Lahaa Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe Oo Xulistedda Aay Kasocoto Dhuuso mareeb.

0
317

Waxaa magaalada Dhuusa Mareeb ka bilaabatay xulista ergooyinkii dooran lahaa Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe, kuwaasoo ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galgaduud oo dhowaan ka furmi doona magaalada Cadaado.

Shirar gaar gaar ah oo u socda Waxgaradka ku sugan Dhuusa Mareeb kuwa oo ku adaan soo xulista ergoyinka,

Odayaasha dhaqanka ku sugan Dhuusa Mareeb ayaa laga sugayaa inay labo cisho gudahood ku soo gudbiyaan liiska ergada, waxaana Liiska lagu wareejinayaa Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo qaarkood ku sugan Cadaado,

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la filayaa in loolan uu bilowdo, marka uu furmo shirka, iyadoo musharaxiinta ay bilaabi doono kasbashada iyo xod xodashada Ergada shirka maamul u sameynta, si ay uga helaan cod marka ay timaado xilliga doorashada mamuul uu sameeynta g/bolada dhaxe,