Falaagada Kadagaalanta Suuriya Ee Lala xariiriya Alqaacida Oo Ku dhaw In Gacanku Haynta Magalada Ugu weyn Dalkasi Ee Gobolka Idilb

0
180

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in falaagada lala xiriiriyo Al-qaacida ay ku dhaw yahiin in gabi ahaan ay la wareegaan magaalada kaliya ee ugu weyn ee ku harsan gacanta dowladda ee gobolka Idilb.

Weerarka lagu qaaday magaalada Jisr Al-shugur ayaa la qaaday khamiistii la soo dhaafay kaddib markii ay qabsadeen falaagada xarunta gobalka bishii la soo dhaafay.

Kooxaha halganka wada ayaa sheegaya in dariiqyada magaalada ay warnaayeen meydadka ciidanka Suuriya. Haseyeeshee warbaahinta dawlda Suuriya ayaa sheegeysa in weli dagaal daran uu ka socda Jizir Al-shukur oo u dhexeeya ciidanka dawladda iyo kooxda Al-qaacida ku xiran ee Jabhat Al nusra.