Farmaajo oo ka digay Faragalin lagu sameeyo Maamulka G/dhexe

0
338

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo oo la hadlay KNN ayaa ka Xog waramay Qorshaha Maamulka loogu dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaayo Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii KMG aheyd ayaa Xusay in uu soo dhaweynayo Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe islamarkaana Dadka Goboladasi ay ka tashadeen aayahooda oo ay dhisanayaan Maamul Matala.

Farmaajo ayaa ka digay in Dowladaha Dariska la ah Soomaaliya ay Faragalin ku sameeyaan Dhismaha Maamulka loo samenayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

 

Ugu danbey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay Muhiim tahay in Nidaamka Federaalka ee Soomaaliya ay qaadatay Dalka oo dhan la gaarsiiyo.