Firxadka Dortmund: Man United Oo Dalab 30 Malyan Oo Euro Ka Gudbisay Hummels Xili Arsenal Iyo City Ay Isku Heystaan Gundogan

0
256

Sida uu maanta ku waramay warsidaha The Bild ee kasoo baxa Jarmalka kooxda Manchester United ayaa dalab 30 Malyan Oo Euro ah ka gudbisay kabtanka Dortmund Mats Hummels kaas oo mudo badan diirada u saarnaa.

Hummels ayaa doonaya inuu isaga tago xagaagan kooxda Borrusia Dortmund iyadoo ay soo baxayeen warar badan oo kala gooni gooni ah kuwaas oo xidigaan ku riixaya ku biiritaanka Old Trafford.

 

Si kastaba The Bild ayaa bogeeda hore maanta ku daabacday in kooxda Manchester United ay dalab rasmi ah u dirtay Hummels iyadoo dooneysa iney xagaaga soo aadan ku xoojiso daafaceeda.

Dhanka kale The Bild ayaa shaacisay in kooxaha ka wada dhisan Ingiriiska ee Manchester City iyo Arsenal ay doonayaan iney la saxiixdaan Ilky Gundagon.

Kubad sameeyahaan reer Jarmal ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa inuu ka tagi doono kooxda Borrusia Dortmund.

Si kastaba Dortmund ayaa la aaminsan yahay iney lumin doonto tiro badan oo xidigo ah kuwaas oo miisaan culus ku leh inkastoo ayba sii dheer tahay in Jurgen Klopp uu dhamaadka xagaagan ka tagi doono.

Ugu dambeyntiinaa Dortmund ayaa ku sugan xaalad culus iyadoo laga yaabo ineysan xiliga soo aadan kasoo qeyb galin tartanka horyaalada yurub ee Champions League.

Hummels and Gundagon