Frank Ribery Oo Weerar Xun Ku Qaaday Van Gaal Kuna Tilmaamay “Shaqsi Aad U Xun!”

0
295

 

Macalinka kooxda Man United Luis Van Gaal markale ayaa toosh lagu ifiyay dabeecadiisa gaarka ah waxaana markaan ka hadlay hab dhaqankiisa Frank Ribery oo ay horey kooxda Bayern Munich wada joogi jireen.

Frank Ribery mudo labo sano ah ayuu ka hoos shaqeeyay macalin Van Gaal intii u dhaxeesay 2009 ilaa 2011 waxaana labadan shaqsi dhex maray dagaal xun oo sababay in Riberry aan haatan la maqashiin karin magaca Van Gaal.

Wuxuuna yiri “Dhibaato gaar ah ayaa na dhex martay aniga iyo Van Gaal, wuxuu ahaa shaqsi aan kala jecleyn cayaaryahanka inuu magac leeyahay iyo inkale”

“Markii ugu horeesay oo aan isla shaqeenay ayaanba dareemay suntiisa, cayaaryahan ahaan kalsoonida inay kaa lunto wax ka xun ma jirto”

“Waa run sanadii 2010 Van Gaal Bayaren guulo ayuu gaarsiiyay balse waa nin aad u xun oo aan si wanaagsan ula dhaqmin cayaartooydiisa!”

“Xiriirkeena wuxuu noqday mid bur buray waxaana ku kala tagnay xumaan waayo wuxuu ahaa shaqsi si gaar ah ii dhibaateeyay”

Van Gaal haatan waa macalinka Man United wuxuuna ku guuleesan rabaa inuu kooxdan xasilooni dib ugu soo celiyo balse saxaafada Ingiriiska ayaa marwalbo macalinkan toosh ku ifiso marka uu hoos u dhac yar sameeyo.

Frank-Ribery-Bayern-Munich