Golaha Abwaanada oo Soo dhaweyay in la sii dayo Col. Cukaash.

0
380

Golaha  Abwaanada  aya soo dhaweyay  go’aankii Maxkamada ciidamada qalab ka sida aya ku amartay in la sii dayo col cilmi Cismaan  guure(cukaash) oo ka mid ah Sarakiisha ciidamada Xoogga dalka Somaliya

Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Abwaanada Xirsi Dhuux Maxamed Weheliye oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in ay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed soo dhaweenayaan in danbi lagu waayo col Cukaash,waxaana Golahu uu Xusay in  Kornelka uusan  awalba wax danbi ah laheyn oo Eedeymaha loo soo jeediyay ay ahaayeen kuwo been abuur ah.

Col cismaan cilmi guure(cukaash) aya muddo ka badan shan bilood ku xiran xabsi ku yala magalada Muqdisho.

Xariga  Col cukasha  aya ka dambeyay kadib markii uu tiriyay gabay uu kaga hadlayay  xaalada ay ku shaqeeyaan Ciidamada Xoogga Dalka.