Golaha ammaanka oo cambaareeyey weerarkii wasaaradda tacliinta sare

0
302

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyey weerarkii ay maalintii Talaadada  Al-Shabaab ku qaadday, xarunta wasaaradda tacliinta sare ee magaalada Muqdisho.

War uu soo saaray goluhu ayuu ku sheegay in weerarrada argagixisada aysan marnaba taageereyn hannaanka nabadeed iyo kan dib-u-heshiisiineed ee Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ayaa sheegay in ay ka go’an tahay taageeridda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika  si loo soo celiyo xasilloonida dalka.

Inka badan 17 qof ayaa ku dhimatay weerarka oo ay ku jireen rayid iyo askar.

qarax