Golaha Ammaanka oo u codeynaya Qaraar lagu Cunno-qabteynayo Xuuthiyiinta Dalka Yemen

0
225

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa inay u codeeyaan in cuno-qabateyn dhinaca hubka ah oo lagu soo rogo xoogagga Xuuthiyiinta dalka Yemen, kuwaasoo dagaal kula jira dowladda dalkaas ee ay Sacuudiga iyo xulufadiisu taageeraan.

Qaraarkan ogolaanaya cunno-qabteynta ee loo codeynayo ayaa wuxuu sidoo kale qeexayaa in xoogaga Xuuthiyiinta ay ka baxaan dhammaan dhulalkii ay qabsadeen, waxaa kaloo xayiraad la saarayaa hoggaamiyeyaasha kooxdaas.

Dowladda Ruushka ayaa laga cabsi qabaa inay qaraarkan la doonayo in lagu soo rogo Xuuthiyiinta Yemen ay ka hortagto, iyadoo laga yaabo inay codka VITO-ga u adeegsato sidii qaraarkan ay uga hortegi lahayd.

Xukuumadda Sucuudiga ayaa horay ugu eedeysay Iiraan inay taageerto Xuuthiyiinta Yemen oo shiico ah, kuwaasoo qabsaday dhamaan inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalkaas oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

Sidoo kale, qaraarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Golaha Ammanka lasoo hordhigo, iyadoo haddii loo codeeyo ay taageero siineysa waddamada duqeynta ku wada kooxdan ee uu hoggaaminayo Sacuudiga.

Xoogaga Xuuthiyiinta iyo ciidamada daacadda u ah Yemen ayaa waxay ku dagaalamayaan waddooyinka magaalada Cadan, iyadoo wali aan lagu kala adkaan dagaalka ka socda magaaladaas.